Dhamaan Maktabada Islaamka

92 - The Night - Al-Layl

:1

Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.

:2

Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).

:3

Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.

:4

In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.

:5

Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.

:6

Rumeeyana tii wanaaga badnayd .

:7

Waxaan u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).

:8

Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».

:9

Beeniyana Tii wanaaga badnayd .

:10

Waxaan u fududaynaa Jidka xun.

:11

Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.

:12

Annagaa wax hanuuninna.

:13

Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.

:14

Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.

:15

Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.

:16

Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.

:17

Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.

:18

Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.

:19

Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.

:20

Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.

:21

Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.