Dhamaan Maktabada Islaamka

93 - The Morning Hours - Ađ-Đuĥaá

:1

Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.

:2

Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).

:3

Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.

:4

Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.

:5

Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.

:6

Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.

:7

Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.

:8

Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).

:9

Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).

:10

Ka wax su'aalina ha canaanan.

:11

Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).