Dhamaan Maktabada Islaamka

91 - The Sun - Ash-Shams

:1

Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.

:2

Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.

:3

Iyo Maalintu markay ifiso.

:4

Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).

:5

Iyo Samada iyo say u dhisantahay.

:6

Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.

:7

Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.

:8

Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.

:9

Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.

:10

Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.

:11

Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.

:12

Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).

:13

Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.

:14

Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.

:15

Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)