Dhamaan Maktabada Islaamka

90 - The City - Al-Balad

:1

Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».

:2

Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.

:3

Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».

:4

Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).

:5

Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).

:6

Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).

:7

Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.

:8

Miyaannaan u yeelin Laba indhood.

:9

Iyo Carrab iyo Laba bishimood.

:10

Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).

:11

Ee Dadku muu jiidho Jiirta.

:12

Ma taqaannaa Jiirta.

:13

Waa qoor la xoreeyo.

:14

Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.

:15

Agoon kuu dhaw.

:16

Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).

:17

Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.

:18

Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.

:19

Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.

:20

Waxaana lagu dabooli Naar.