Dhamaan Maktabada Islaamka

89 - The Dawn - Al-Fajr

:1

Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga.

:2

Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).

:3

Iyo Tirada siman iyo tan is dheer ( tirada Buuxda Iyo Tirada dhiman).

:4

Iyo Habeenku markuu tagayu.

:5

Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.

:6

Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad.

:7

Ee ahaa Irama xooggana lahaa.

:8

Wax la mid ahna aan Lugu abuurin dhulka.

:9

Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.

:10

lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.

:11

kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.

:12

Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.

:13

Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran.

:14

Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta).

:15

Marka Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani).

:16

Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay.

:17

Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.

:18

Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.

:19

Waxaadna aad u cuntaan dhaxalka (Cunid ) xaq darro.

:20

Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.

:21

Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.

:22

Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan.

:23

Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.

:24

Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.

:25

Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro.

:26

Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro.

:27

Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.

:28

U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.

:29

dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).

:30

Galna Jannadayda.