Dhamaan Maktabada Islaamka

83 - The Defrauding - Al-Muţaffifīn

:1

Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.

:2

Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta).

:3

Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.

:4

Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin.

:5

Maalin wayn darteed (Qiyaamada).

:6

Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka.

:7

Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin.

:8

Ma taqaannaa Sijiin.

:9

Waa Kitaab calaamaysan.

:10

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa).

:11

Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta.

:12

Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.

:13

Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore.

:14

Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah.

:15

Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi.

:16

Markaasna ay gali Jaxiimo.

:17

Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka.

:18

Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin.

:19

Cilliyiin ma taqaannaa.

:20

Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro.

:21

Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw.

:22

Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno).

:23

(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.

:24

Wajigooda waanad ka garan Nicmada.

:25

Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).

:26

Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.

:27

Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.

:28

Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.

:29

Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.

:30

Haday maraanna way xaqirijireen.

:31

Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan).

:32

Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin.

:33

Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta.

:34

Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.

:35

Sariiro korkood yayna wax daawan.

:36

Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).