82 - The Cleaving - Al-'Infiţār
:1
Markay Samadu Dildillaacdo.
:2
Xiddiguhuna daataan.
:3
Badahana laysku furo.
:4
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).
:5
Waxay ogaan naftu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
:6
Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.
:7
Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
:8
Siduu doonana kuu sameeyey.
:9
Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
:10
Malaa'ig baana idin ilaalinaysa.
:11
Oo sharaf leh waxna qori.
:12
Ogna waxaad falaysaan.
:13
Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
:14
Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.
:15
Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.
:16
Kamana maqnaadaan Naarta.
:17
Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
:18
Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.
:19
Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.