Dhamaan Maktabada Islaamka

81 - The Overthrowing - At-Takwīr

:1

Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).

:2

Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).

:3

Buurahana la kexeeyo (La rujiyo).

:4

Geelii rimmanaana la halleeyo.

:5

Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).

:6

Badahana la kululeeyo.

:7

Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.

:8

Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.

:9

Maxaa dambi ah oo loo dilay.

:10

Kutubta (camalkana) la fidiyo.

:11

Samadana la rujiyo.

:12

Naarta Jaxiimana la huriyo.

:13

Jannadana la dhaweeyo.

:14

Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.

:15

(wuxuu eebe yidhi) Waxaan ku dhaartay Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).

:16

Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.

:17

Iyo Habeenku markuu jeedsado.

:18

Iyo subaxu markuu soo qaabilo.

:19

Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.

:20

Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.

:21

Laguna addeeco halkaas aaminna ah.

:22

Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.

:23

Horaybuuna ugu arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).

:24

Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.

:25

Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.

:26

Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan.

:27

Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).

:28

Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).

:29

Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.