Dhamaan Maktabada Islaamka

84 - The Sundering - Al-'Inshiqāq

:1

Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).

:2

Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.

:3

Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).

:4

Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.

:5

Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).

:6

Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.

:7

Ruuxiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee).

:8

Waxaa la xisaabin xisaab fudud.

:9

Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.

:10

Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).

:11

Wuxuu u yeedhan Halaag.

:12

Wuxuuna gali Naarta Saciira.

:13

Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kibirsnaa (Adduunkii).

:14

Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).

:15

Saas ma ahee Eebe waa arkaa.

:16

Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.

:17

Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.

:18

Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.

:19

Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan .)

:20

Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).

:21

Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.

:22

Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).

:23

Eebana waa ogyahay waxay qarsan.

:24

Ugu bishaaree caddibaad daran.

:25

Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.