Dhamaan Maktabada Islaamka

77 - The Emissaries - Al-Mursalāt

:1

Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.

:2

iyo Dabaysha sida daran u dhabata.

:3

Iyo Dabaysha roobka kicisa.

:4

Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.

:5

iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa.

:6

Si Dadka loo waaniyo looguna digo.

:7

Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.

:8

Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.

:9

Oo samadu Dildillaacdo.

:10

Oo Buuraha la Rujiyo.

:11

Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).

:12

Maalin wayn oo loo Qabtay Darteed.

:13

In dadka la kala Bixiyo Dartiis.

:14

Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.

:15

Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

:16

Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.

:17

Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.

:18

Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.

:19

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

:20

Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.

:21

Markaasna yeellay meel ilaashan.

:22

Tan iyo Muddo la yaqaanno.

:23

Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.

:24

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

:25

Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.

:26

Nolol iyo Geeriba.

:27

Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.

:28

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

:29

Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.

:30

Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.

:31

Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.

:32

Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.

:33

Ama aad Mooddo geel madaw ah.

:34

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

:35

Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.

:36

Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.

:37

Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

:38

Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.

:39

Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.

:40

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

:41

Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;

:42

(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.

:43

Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.

:44

Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.

:45

Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.

:46

(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;

:47

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

:48

Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.

:49

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

:50

Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.