Dhamaan Maktabada Islaamka

78 - The Tidings - An-Naba

:1

Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).

:2

Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).

:3

Ay isku diiddanaayeen.

:4

Saas ma aha ee way ogaan donaan.

:5

Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).

:6

Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.

:7

Buurahana Rukummo (ka yeelin).

:8

Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.

:9

Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.

:10

Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.

:11

Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.

:12

Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.

:13

Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).

:14

Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.

:15

Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.

:16

Iyo Beero kulansan (badan).

:17

Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an.

:18

Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.

:19

Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.

:20

Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.

:21

Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.

:22

(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.

:23

Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.

:24

Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.

:25

Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).

:26

Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.

:27

Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.

:28

Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.

:29

Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.

:30

Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.

:31

Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.

:32

Beero iyo Cinabyana way heli.

:33

Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg.

:34

Waxayna heli Cabbid wanaagsan.

:35

Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna.

:36

Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.

:37

Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).

:38

Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.

:39

Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.

:40

Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.