Dhamaan Maktabada Islaamka

76 - The Man - Al-'Insān

:1

Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).

:2

Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.

:3

Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.

:4

Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.

:5

kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.

:6

Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,

:7

Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).

:8

Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).

:9

Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Abaalmarin iyo Mahadnaq Midna.

:10

Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.

:11

Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.

:12

Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.

:13

Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.

:14

Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.

:15

Waxaa lala kor socon weelal Fidda ah iyo Koobab Quruurado ah.

:16

Quruuradahaas oo fidda ah si fiicanna u Qiyaasan.

:17

Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.

:18

Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).

:19

Waxaana u adeegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.

:20

Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.

:21

Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fiddo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.

:22

Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.

:23

Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.

:24

Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).

:25

Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.

:26

Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.

:27

Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).

:28

Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.

:29

Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.

:30

Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.

:31

Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.