Dhamaan Maktabada Islaamka

75 - The Resurrection - Al-Qiyāmah

:1

Waxaan ku dhaaran maalinta qiyaame.

:2

Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).

:3

Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.

:4

Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.

:5

Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.

:6

Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.

:7

Markase Araggu Wareero (Taagmo).

:8

Dayuxuna Madoobaado.

:9

Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.

:10

Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.

:11

Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).

:12

Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.

:13

Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.

:14

Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.

:15

Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).

:16

Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiiso).

:17

Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.

:18

Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.

:19

Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.

:20

saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).

:21

Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.

:22

Wajiyaal Maalintaas way ifi.

:23

Eebeheedna way Eegi.

:24

Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.

:25

Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.

:26

Saas ma aha ee markay naftu gaadho Dhuunta (Waqtiga Geerida).

:27

Oo la Dhoho yaa ku tufi.

:28

Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.

:29

Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).

:30

Eebahaa Xaggiisaa la aadi.

:31

Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.

:32

Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.

:33

Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.

:34

Halaag Buuse Mutaa.

:35

Haddana Halaagbuu Mutaa.

:36

Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).

:37

Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.

:38

Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.

:39

Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.

:40

Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.