Dhamaan Maktabada Islaamka

70 - The Ascending Stairways - Al-Ma`ārij

:1

Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).

:2

Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.

:3

Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.

:4

Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.

:5

Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.

:6

Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.

:7

Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawdahay.

:8

Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.

:9

Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.

:10

Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.

:11

Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeclaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.

:12

Haweenaydiisa, Walaalkiis.

:13

iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.

:14

iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.

:15

Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).

:16

Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).

:17

Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.

:18

Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).

:19

Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.

:20

Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.

:21

Hadduu khayr helana wuu reebaa.

:22

Marka laga reebo Muslimiinta tukata.

:23

Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.

:24

Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.

:25

Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.

:26

Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).

:27

Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.

:28

Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.

:29

Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.

:30

Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.

:31

Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.

:32

Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.

:33

Kuwa maraggooda si fiican u furay.

:34

Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).

:35

Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.

:36

Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).

:37

Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.

:38

Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah In la geliyo Jannatu Naciima.

:39

Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.

:40

Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.

:41

Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.

:42

Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.

:43

Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).

:44

Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).