Dhamaan Maktabada Islaamka

71 - Noah - Nūĥ

:1

Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.

:2

Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»

:3

ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca.

:4

Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.

:5

Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.

:6

Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.

:7

Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.

:8

si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»

:9

Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.

:10

Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.

:11

Cirkana Roob badan ha idinka keenee.

:12

Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.

:13

Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.

:14

Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.

:15

Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.

:16

Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.

:17

Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.

:18

Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.

:19

Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.

:20

Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.

:21

(Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.

:22

Dhagar waynna way Dhakreen.

:23

Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.

:24

Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.

:25

Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,

:26

Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.

:27

Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.

:28

Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Rag iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.