Dhamaan Maktabada Islaamka

69 - The Reality - Al-Ĥāqqah

:1

Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).

:2

Xaaqo maxay tahay.

:3

inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.

:4

Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.

:5

Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.

:6

Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.

:7

o lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).

:8

wax ka hadhay miyaad aragtaa.

:9

Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).

:10

Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.

:11

Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.

:12

si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.

:13

Marka Suurka la afuufo hal mar.

:14

Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.

:15

Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.

:16

Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.

:17

Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.

:18

Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.

:19

Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.

:20

Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.

:21

wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.

:22

Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.

:23

Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).

:24

Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).

:25

Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga.

:26

Xisaabtaydana maanan ogaanin.

:27

Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday.

:28

Xoolahaygi wax iima tarin.

:29

Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).

:30

Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.

:31

Naarta Jahannamada geliya.

:32

Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.

:33

maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.

:34

aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.

:35

Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.

:36

Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».

:37

Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).

:38

Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).

:39

iyo waxaydaan arkayninba.

:40

ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.

:41

Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).

:42

Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.

:43

(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.

:44

Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).

:45

Waxaanu ku qaban gacan adag.

:46

Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.

:47

Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.

:48

Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.

:49

Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka).

:50

Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).

:51

Qur'aanka waa run dhab ah.

:52

Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.