Dhamaan Maktabada Islaamka

51 - The Winnowing Winds - Adh-Dhāriyāt

:1

Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa).

:2

Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka).

:3

iyo doonnida sida fudud u socota.

:4

Iyo Malaa'igta amarka qaybisa.

:5

Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.

:6

Abaalmarintuna waa sugantahay.

:7

Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.

:8

Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan.

:9

Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.

:10

Waxaana la nacladay Beenalayaasha.

:11

Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan.

:12

waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).

:13

Waana maalinta naarta lagu gubi.

:14

Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen.

:15

Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo.

:16

Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.

:17

Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda.

:18

Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.

:19

Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan.

:20

Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.

:21

Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).

:22

Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.

:23

Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale.

:24

Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd.

:25

Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin.

:26

Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay).

:27

Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.

:28

Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan,

:29

Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali).

:30

waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi

:31

(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.

:32

Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.

:33

Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).

:34

Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.

:35

Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray.

:36

kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.

:37

Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran.

:38

(Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.

:39

Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay.

:40

Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay.

:41

Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta.

:42

Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.

:43

Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti.

:44

Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.

:45

Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.

:46

(Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,

:47

Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.

:48

Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).

:49

Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.

:50

Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).

:51

Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.

:52

Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay.

:53

Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay.

:54

Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa).

:55

Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee.

:56

Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.

:57

Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan.

:58

Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane.

:59

Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin.

:60

Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.