Dhamaan Maktabada Islaamka

50 - The Letter "Qaf" - Qāf

:1

Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).

:2

Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.

:3

Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.

:4

Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.

:5

Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan.

:6

Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn.

:7

Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.

:8

Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah.

:9

Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta,

:10

Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.

:11

Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.

:12

Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud.

:13

Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii).

:14

Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii).

:15

Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).

:16

Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.

:17

Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.

:18

Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).

:19

Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.

:20

Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).

:21

Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.

:22

Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen arintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.

:23

Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).

:24

Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jahannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.

:25

Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.

:26

Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.

:27

Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.

:28

Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.

:29

Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.

:30

Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.

:31

Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.

:32

Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).

:33

Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.

:34

Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.

:35

Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.

:36

Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto.

:37

Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo.

:38

Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.

:39

Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.

:40

Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.

:41

Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.

:42

Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda.

:43

Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.

:44

Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud.

:45

Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.