Dhamaan Maktabada Islaamka

52 - The Mount - Aţ-Ţūr

:1

(Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina.

:2

Iyo Kitaabka la dhigay,

:3

Oo ku qoran warqado la fidiyay.

:4

Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur).

:5

IYo saanqaafka la koryeelay (cirka).

:6

Iyo Baddii la kululeeyay.

:7

Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan).

:8

wax celinna ma jiro.

:9

Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi.

:10

Buuruhuna socon.

:11

Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.

:12

Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.

:13

Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi).

:14

Waatan Naartii aad beenin jirteen.

:15

Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.

:16

Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.

:17

Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo.

:18

Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.

:19

(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.

:20

Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn).

:21

Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani».

:22

waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin.

:23

Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.

:24

Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray.

:25

Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin.

:26

Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.

:27

Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama).

:28

Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista.

:29

Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.

:30

Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida.

:31

Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye.

:32

Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay.

:33

Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin.

:34

Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi.

:35

Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda).

:36

Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin.

:37

Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka.

:38

Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad.

:39

Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal.

:40

Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay.

:41

Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan.

:42

Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran.

:43

Mise Ilaah Eebe ka soo hadhay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada».

:44

Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis).

:45

Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono.

:46

Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin.

:47

Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga.

:48

Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici.

:49

Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.