101 - The Calamity - Al-Qāri`ah
:1
Qaaricada (qalbiga garaacda).
:2
Qaarica maxay tahay.
:3
Mase taqaannaa Qaarico.
:4
Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay.
:5
Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay.
:6
Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado.
:7
Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.
:8
Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican).
:9
Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya.
:10
Ma taqaannaa Haawiya.
:11
Waa Naar kulayl daran.