Dhamaan Maktabada Islaamka

102 - The Rivalry in world increase - At-Takāthur

:1

Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid),

:2

Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan).

:3

Saas ma aha ee waad ogaandoontaan.

:4

Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa).

:5

Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta).

:6

Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima,

:7

Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.

:8

Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.