Dhamaan Maktabada Islaamka

100 - The Courser - Al-`Ādiyāt

:1

Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi.

:2

iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha).

:3

Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii.

:4

Ee Boodhka kiciya.

:5

Cadawgana dhexgala.

:6

Ee Dadku Eebohood waa diideen( ku MadaxAdkaadeen).

:7

Arrintaasna Dadku wuu ogyahay ( Markhaatuu ka yahay).

:8

Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay.

:9

Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo.

:10

Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.

:11

Eebohood Maalintaas ogyahay.