99 - The Earthquake - Az-Zalzalah
:1
Marka DHulka la gilgilo (Gilgilashadeeda).
:2
Dhulkuna soo bixiyo culaykiisii (wixii ku aasnaa).
:3
Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay leedahay.
:4
Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.
:5
Maxaayeelay Eebaa u waxyooday.
:6
Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaaan camalkooda.
:7
Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki.
:8
Kiise wax yar oo shar fala wuu arki.