Dhamaan Maktabada Islaamka

96 - The Clot - Al-`Alaq

:1

Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga).

:2

Dadkana ka abuuray Calaq (Xinjir).

:3

Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe.

:4

Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.

:5

Dadkana baray waxayna aqoonin.

:6

Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen.

:7

Markuu isku ogaaday Hodontinnimo.

:8

Eebaha xaggiisaase loo noqon.

:9

Ka warrama midka ka reebaya.

:10

Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda.

:11

Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga).

:12

Ama uu fari Eeba ka yaabid.

:13

Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe).

:14

Miyuusan ogayn in Eebe arko.

:15

Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda.

:16

Food beenaleey ah ghafna badan.

:17

Ha u yeedho gargaarihiisa.

:18

Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane.

:19

Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).