95 - The Fig - At-Tīn
:1
Eebe wuxuu ku dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka.
:2
Iyo Dhuuri Siina.
:3
Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka).
:4
Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan.
:5
Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis).
:6
Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin.
:7
Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.
:8
Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).