Dhamaan Maktabada Islaamka

87 - The Most High - Al-'A`lá

:1

Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.

:2

Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.

:3

Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.

:4

Eebaha soo bixiya Daaqa.

:5

Kana dhiga markaas ka dib caws Engagagan oo Madow.

:6

Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.

:7

Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.

:8

Waxaana kuu fududaynaynaa Waddo fiican.

:9

Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.

:10

Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.

:11

Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.

:12

Ee ah mid gali Naar wayn.

:13

Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.

:14

Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.

:15

magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.

:16

Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.

:17

Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).

:18

Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.

:19

Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.