86 - The Nightcommer - Aţ-Ţāriq
:1
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura.
:2
Ma taqaan Xiddigga guura.
:3
Waa Xiddig ifa.
:4
Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag).
:5
Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray.
:6
Waxaa laga abuuray Biyo booda.
:7
Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood.
:8
Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada).
:9
Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon.
:10
Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna.
:11
Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh.
:12
Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo).
:13
Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta).
:14
Ciyaarra ma aha (ee waa dhab).
:15
Gaaladu waxbay dhakri.
:16
Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin).
:17
Ee u sug Gaalada wax yar.