Dhamaan Maktabada Islaamka

67 - The Sovereignty - Al-Mulk

:1

Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara.

:2

Eebaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa adkaade dambidhaafe ah.

:3

Eebe waa midka abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah.

:4

Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhiban daallanna.

:5

Eebe wuxuu ku quxiyey Samada dhow Nalal (Xiddigaha) wuxuuna ka dhigay Xiddigahaas kuwo lagu gano Shayaadiinta, Wuxuuna Eebe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro.

:6

Kuwa ka gaaloobay Eebahood waxaa u sugnaaday Caddibaadda Jhannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.

:7

Marka Gaalada lagu tuuro Naarta waxay ka maqli Cod xun oo daran iyadoo karaysa.

:8

waxay u dhawdahay inay Cadha daraadeed la kala dillaacdo, marka Koox (Gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada Malaa'igta Naarta ka shaqeysa iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaanin wax idiin diga.

:9

Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninay, annagoo leh ma soo dejinin Eebe waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn.

:10

Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasayno Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanaan noqoneen.

:11

Waxay kirteen (Gaaladu) dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho Naarta Saciiro ehelkeeda.

:12

Kuwa Eebe ka yaaba iyagoon la arkaynin (Eebe mooyee) waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajri weyn.

:13

Ama hadalka hoos dhiga dadow ama kor u qaada Eebe waa ogyahay waxa laabta ku jira.

:14

Ma waxaan wax ogeyn Eebaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan.

:15

Eebe waa kan Dhulka ka dhigay mid laylan ee ku socda Waddooyinkiisa kana Cuna Quudkiisa Eebaana Dadka loo soo kulmin (Qiyaamada).

:16

Miyaad ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo.

:17

Miyaadse ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhagaxyo Naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan doontaan digiinta Eebe Cidhibteeda.

:18

Waxaa Eebe beeniyey Gaaladii (reer Makaad) ka horreeyey, sidayse ahayd Ciqaabti Eebe.

:19

Miyeyna dadku arkaynin Shimbirka korkooda ah marna baalka fidin marna laabi wax haya oon Eebaha Raxmaan ahayna uusan jirin, Eebana wax walba wuu arkaa.

:20

Waa kuma Gargaaraha Eebaha Raxmaan ah ka soo hadhay ee u gaargaari Gaalada, Gaaladu waxay ku sugan yihiin kadsoomid.

:21

Waa kuma kan wax quudiya haddii Eebe haysto Risqigiisa, Gaaladu waxay ku Madax adaygeen isla weyni iyo Xaq diidnimo.

:22

Midkee wanaagsan Ruux Wajiga ku socda iyo mid si toosan oo siman Wadda Toosan ugu socda.

:23

Dheh Nabiyow Eebe waa midka Dadkow idin ahaysiiyey, Maqal iyo Arag iyo Caqlina idiin yeelay, wax yar baadse Eebe ku shukridaan.

:24

Dheh Eebe waa midka dadkow Dhulka idinku beeray isagaana (Qiyaamada) loo soo kulmin doona Dadka.

:25

Waxay dhihi Gaaladu waa goorma Waqtiguu dhici waxa naloogu gooddin haddaad run sheegaysaan.

:26

Dheh Eebaa og goortaas, waxaanse ahay Anigu u dige Cad (muuqda).

:27

Markaysa Gaaladu Naarta oo u dhow arkaan waxaa xumaan oo doorsoomi Wajiga Gaalada, waxaana lagu dhihi waaka Cadibaaddii aad donayseen (dedejisanayseen).

:28

Dheh balse ka warrama haddii Eebe aniga (Nabiga) iyo inta ila jirta uu halligo ama u naxariisto yaa Gaalo ka korin Caddibaad daran.

:29

Dheh Eebe waa Raxmaan waana rumaynay, waana Tala saaranay, waadse ogaan doontaan (Gaalooy) Cidda Baadi Cad ku sugan.

:30

Dheh balse Warrama hadday Biyuhu Dhulka ku gudhaan yaa idin siin Biya durduri (ma jiro Eebe waxaan ahayn).