Dhamaan Maktabada Islaamka

56 - The Inevitable - Al-Wāqi`ah

:1

Markay Qiyaamadu dhacdo.

:2

Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).

:3

Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.

:4

Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.

:5

Buurahana la rido (La kala daadiyo).

:6

Oy noqoto boodh Firdhisan.

:7

Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).

:8

Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.

:9

Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.

:10

Iyo kuwii aad u hormaray.

:11

Waa kuwa Eebe dhaweeyay.

:12

Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.

:13

Waana Koox ka mid ah kuwii hore.

:14

Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.

:15

Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.

:16

Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.

:17

Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.

:18

Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan (khamri) socda.

:19

Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.

:20

Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.

:21

Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.

:22

Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.

:23

Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.

:24

Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).

:25

Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.

:26

Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).

:27

Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.

:28

Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.

:29

Iyo Geedka Dhalxiga (Muuska Oo isasaarsaaran) ah oo buuxa.

:30

Iyo Hoos joogta ah.

:31

Iyo Biyo socda (goor walba).

:32

Iyo Faakiha badan.

:33

Oon la goynaynin lana reebaynin.

:34

Iyo Gogol la koryeelay.

:35

Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada).

:36

Kana dhigi kuwa aan la taaban.

:37

Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.

:38

kuwa Midigta yaa muta (arrintaas).

:39

Waana Koox kuwii hore ka mid ah.

:40

Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.

:41

Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.

:42

Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.

:43

Iyo hoos madow oo wax guba.

:44

Aan qaboobayn aragna fiicnayn.

:45

Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).

:46

Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn.

:47

Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.

:48

Ama Aabayaalkannagii horeeyay.

:49

Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.

:50

Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).

:51

Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.

:52

Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.

:53

Aad kana buuxinaysaan Caloosha.

:54

Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.

:55

Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.

:56

Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).

:57

(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).

:58

Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».

:59

Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,

:60

Annagaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.

:61

Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.

:62

Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.

:63

Ka warrama waxaad beereysaan.

:64

Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.

:65

Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).

:66

(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.

:67

Mase waa nala hoojiyay.

:68

Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.

:69

Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.

:70

Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh ee maad ku mahadisaan (Eebe).

:71

Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.

:72

Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.

:73

Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).

:74

Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.

:75

(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).

:76

Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.

:77

Quraanku waa shay sharaf leh.

:78

Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.

:79

Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.

:80

Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.

:81

Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.

:82

Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Rizqigiinna beenin (Xaqa).

:83

Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.

:84

Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).

:85

Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.

:86

Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.

:87

Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.

:88

Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.

:89

Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.

:90

Hadduu yahay kuwa Midigta marina.

:91

Nabadgalyaa kaaga sugnaatay kuwa midigta.

:92

Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.

:93

Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.

:94

Iyo galidda Naarta Jaxiimo.

:95

Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.

:96

Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.