Dhamaan Maktabada Islaamka

54 - The Moon - Al-Qamar

:1

Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.

:2

Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran.

:3

Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.

:4

Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano.

:5

Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi.

:6

Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran.

:7

Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay.

:8

Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran.

:9

Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay».

:10

Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro.

:11

Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay.

:12

Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis.

:13

Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh.

:14

Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday.

:15

Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan).

:16

Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu.

:17

Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.

:18

Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii.

:19

Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah.

:20

Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay.

:21

Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.

:22

Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.

:23

Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud.

:24

Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato.

:25

Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah.

:26

Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah.

:27

Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir.

:28

Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay.

:29

Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay.

:30

Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.

:31

Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay.

:32

Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.

:33

Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii.

:34

Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah.

:35

Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe).

:36

Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas.

:37

Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.

:38

Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan.

:39

Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.

:40

Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.

:41

Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid.

:42

Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh.

:43

Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta.

:44

Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay.

:45

Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin.

:46

Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh.

:47

Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin.

:48

(Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara.

:49

Wax kasta waxaan ku abuurray qadar.

:50

Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi.

:51

Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa.

:52

Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta.

:53

Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay.

:54

Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal.

:55

Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay).