Dhamaan Maktabada Islaamka

44 - The Smoke - Ad-Dukhān

:1

Waannu sheegnay iyadoo kale.

:2

Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka).

:3

Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi.

:4

Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh.

:5

Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo).

:6

Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og.

:7

Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan.

:8

Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey.

:9

Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari.

:10

Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan).

:11

Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran.

:12

Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine.

:13

Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda».

:14

Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan.

:15

Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.

:16

Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan.

:17

Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh.

:18

Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.

:19

Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade.

:20

Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan.

:21

Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya).

:22

wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah.

:23

guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye.

:24

kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne.

:25

imisey ka tageen Beero iyo Ilo.

:26

iyo Tallaal iyo meel sharaf leh.

:27

iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.

:28

xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale.

:29

uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin.

:30

waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya.

:31

(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah.

:32

waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og.

:33

waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay.

:34

kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi.

:35

arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin.

:36

noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan.

:37

maiyagaa khayr roon mise qoomkii Tubac iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal.

:38

Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar.

:39

mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga.

:40

maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan.

:41

waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn.

:42

cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waa adkaade naxariistee.

:43

Geedka Zaquumka ah.

:44

waa cunnada dambi badanaha.

:45

waana Laami oo kale kuna kari Caloosha.

:46

sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale.

:47

(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda.

:48

markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul.

:49

(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe.

:50

kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka).

:51

kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah.

:52

Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan).

:53

waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili.

:54

saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn.

:55

waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah.

:56

mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo.

:57

waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn.

:58

waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan.

:59

ee sug iyaguna way sugiye.