Dhamaan Maktabada Islaamka
1

(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan.

2

Iyo tan kaxaysa daruuraha.

3

Iyo tan akhrida Quraanka.

4

Ee ilaahiin waa mid (qudha).

5

Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda.

6

Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah.

7

Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag.

8

Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta.

9

Iyagoo la eryi oo cadaab joogta ah usugnaaday.

10

Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi.

11

Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.

12

Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi.

13

Marka la waaniyana ma waantooban.

14

Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan.

15

Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.

16

Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin.

17

Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin).

18

Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan.

19

Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi.

20

Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta.

21

Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen.

22

Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen.

23

Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo.

24

Joojiyana waxbaa la waydiine.

25

(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin.

26

Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen.

27

Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan.

28

Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga).

29

Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn.

30

Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey.

31

Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka).

32

Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn.

33

Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi.

34

Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha.

35

Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya.

36

Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan.

37

Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray).

38

Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya).

39

Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo.

40

Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan).

41

Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno).

42

Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti.

43

Jannooyinka Naciima.

44

Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili.

45

Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano).

46

Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi.

47

Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada).

48

Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowrsoon oo indha waaweyn.

49

Ood moodo ukun la dhowray.

50

Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin.

51

Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiib.

52

Wuxuu Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta).

53

Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin.

54

Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan.

55

Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda.

56

Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso).

57

Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta).

58

(Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin.

59

Geerideenii hore mooyee Ma nihin kuwo la cadaabayo.

60

Taasina waa uun liibaanta wayn.

61

Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali.

62

Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd).

63

Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta.

64

Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo.

65

Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan.

66

Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha.

67

Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran.

68

Markaas waxay ku noqon jaxiimo.

69

Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah.

70

Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi.

71

Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore.

72

Waxaana udiraydhexdooda udigayaal.

73

Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.

74

Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan).

75

Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican.

76

Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii).

77

Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun.

78

Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah).

79

NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato.

80

Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka.

81

Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa).

82

Markaasaan maanshaynay kuwii kale,

83

Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim.

84

Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey).

85

Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan.

86

Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan.

87

Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka.

88

Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha.

89

Wuxuuna yidhi waan bukaa.

90

Markaasay katageen kana jeedsadeen.

91

Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn.

92

Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin.

93

Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay

94

Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay).

95

Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen).

96

Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan.

97

Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka).

98

Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday).

99

Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin.

100

Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo).

101

Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco.

102

Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree.

103

Markay hogaansameen oo u lagday wajiga.

104

Yaan udhawaaqnay Ibraahimow.

105

Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha.

106

Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn).

107

Waxaana ku furanay loog weyn (wan).

108

Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame.

109

Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato.

110

Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha.

111

Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah.

112

Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah.

113

Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya.

114

Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo).

115

Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd.

116

Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey).

117

waxaana siinay Kitaabkii caddaa.

118

Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan.

119

Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah).

120

Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda.

121

Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala,

122

Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah.

123

Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada.

124

Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn).

125

Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya.

126

Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore.

127

Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab).

128

Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr).

129

Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah).

130

Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa.

131

Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala.

132

Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah.

133

Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray).

134

Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan.

135

marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga.

136

Ka dibna waxaan halaagnay intii kale.

137

Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga.

138

Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin.

139

Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray).

140

Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday.

141

Oo uu qoriritay noqdayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray).

142

Kalluunna liqay isagoo ladagaalay.

143

Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa).

144

Wuxuu kunagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.

145

Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka.

146

Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed).

147

Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan.

148

Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo.

149

Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal.

150

Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen.

151

Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen.

152

Eeba waa dhalay waana beenaalayaal.

153

Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha.

154

Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan.

155

Miyeeydaan wax xusuusaneyn.

156

Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad.

157

Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin.

158

Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada).

159

Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan.

160

Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan).

161

Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy).

162

Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe.

163

Marka laga reebo kuwagali jaxiimo.

164

Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan.

165

Waana safannahay (cibaado darteed).

166

Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe).

167

Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha.

168

Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab).

169

Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban.

170

Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca).

171

Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii).

172

In iyaga uun loo gargaari.

173

Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan),

174

Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo.

175

Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca).

176

Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan.

177

Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay.

178

Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo.

179

Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca).

180

Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaamaan gaaladu (oo xun).

181

Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda.

182

Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.