Dhamaan Maktabada Islaamka

26 - The Poets - Ash-Shu`arā

:1

Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay.

:2

Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad.

:3

Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa.

:4

Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo.

:5

Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada.

:6

Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen.

:7

Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican.

:8

Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa).

:9

Eebahaana Waa Adkaade Naxariista.

:10

(Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah.

:11

Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan.

:12

Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.

:13

Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun.

:14

Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan.

:15

Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina.

:16

ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka.

:17

Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga.

:18

Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin.

:19

Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii).

:20

Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn.

:21

Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul).

:22

Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil.

:23

Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka.

:24

Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan).

:25

Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan.

:26

Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore.

:27

Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay.

:28

Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan.

:29

Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan.

:30

Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna.

:31

Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi.

:32

Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda.

:33

Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi.

:34

Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer.

:35

Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan.

:36

Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya.

:37

Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer.

:38

Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan.

:39

Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan.

:40

Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan.

:41

Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno.

:42

Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow.

:43

Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan.

:44

Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan.

:45

Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen.

:46

waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed.

:47

Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka.

:48

Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun.

:49

Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin.

:50

Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa.

:51

waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa).

:52

Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye.

:53

Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya.

:54

Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar.

:55

Wayna Na cadho Galiyeen.

:56

Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon.

:57

Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo.

:58

Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican.

:59

Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil.

:60

Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii.

:61

Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.

:62

Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.

:63

Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.

:64

Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).

:65

Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.

:66

Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale.

:67

Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn.

:68

Eebahaana waa Adkaade Naxariista,

:69

Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim.

:70

Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan.

:71

Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada.

:72

Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan.

:73

Mase idin Anfaci ama idin Dhibi.

:74

Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali.

:75

Wuxuu Yidhi Bal ka Warrama waxaad Caabudaysaan.

:76

Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey.

:77

Iyagu Col Bay ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee.

:78

Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin.

:79

Kan I Quudin ee I Waraabin.

:80

Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya.

:81

Waana kan I dili Ina Noolayn.

:82

Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta.

:83

Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban.

:84

Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe.

:85

Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo.

:86

Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.

:87

Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka).

:88

Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna.

:89

Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).

:90

Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah).

:91

Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay.

:92

Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen.

:93

Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan.

:94

Waana lagu soo kulmin naarta (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay.

:95

Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan.

:96

Waxayna odhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi.

:97

Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad.

:98

Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka.

:99

Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro.

:100

Mana Lihin wax Noo Shafeeca.

:101

Iyo Saaxiib Dhaw.

:102

Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin.

:103

Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa).

:104

Eebahaana waa Adkaade Naxariista.

:105

Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii.

:106

Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn.

:107

Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

:108

Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.

:109

Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.

:110

Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.

:111

Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun).

:112

Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali.

:113

Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan.

:114

Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta.

:115

Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi.

:116

Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo.

:117

Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen.

:118

Ee Nakala Xukun Dhexdanada, igana kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah.

:119

Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday.

:120

Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii).

:121

Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.

:122

Eebahaana waa Adkaade Naxariista.

:123

Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii.

:124

Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn.

:125

Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

:126

Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca.

:127

Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi.

:128

Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari.

:129

Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed.

:130

Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran.

:131

ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca.

:132

Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin.

:133

Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur.

:134

Iyo Beero iyo Ilo.

:135

Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn.

:136

Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa.

:137

Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn.

:138

Nalamana Cadaabayo.

:139

Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.

:140

Eebahaana waa Adkaade Naxariista.

:141

Waxay Beenisay Thamuud Rasuulladii.

:142

Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan.

:143

Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

:144

ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca.

:145

Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.

:146

Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina.

:147

Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda).

:148

Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay.

:149

Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan.

:150

Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.

:151

Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha.

:152

ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn.

:153

Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray.

:154

Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi.

:155

Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinbaad Cabbaysaan la Yaqaan.

:156

Ee ha ku Taabanina Xumaan, oo idin qabto Cadaab Maalin wayn.

:157

Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya.

:158

Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa).

:159

Eebahaana waa Adkaade Naxariista.

:160

Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii.

:161

Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn.

:162

Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.

:163

ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.

:164

Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.

:165

Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka.

:166

Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba.

:167

Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo.

:168

Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay.

:169

Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan.

:170

Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan.

:171

Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii).

:172

Markaasaan Halaagnay Intii kale.

:173

Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay.

:174

Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn.

:175

Eebhaana waa Adkaade Naxariista.

:176

Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii.

:177

Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn.

:178

Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.

:179

ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.

:180

Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.

:181

Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya.

:182

Una Miisama Cadaalad Toosan.

:183

Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin.

:184

Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey.

:185

Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray.

:186

Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah.

:187

ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi.

:188

Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan.

:189

Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn.

:190

Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn.

:191

Eebahaana waa Adkaade Naxariista.

:192

Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka.

:193

Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil).

:194

Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga.

:195

Af Carabi ahoo Cad.

:196

Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore.

:197

Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil

:198

Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis.

:199

oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen.

:200

Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha.

:201

Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran.

:202

Oo ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn.

:203

Oy Dhahaan ma nala Sugi.

:204

Ma Cadaabkanagay Dadajisan.

:205

Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin.

:206

Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey.

:207

Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey.

:208

Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto.

:209

Waano Darteed, mana nihin Daalimiin.

:210

Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu.

:211

Kumana Habboona mana Karaan.

:212

Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin.

:213

Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo.

:214

Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw.

:215

Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah.

:216

Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan.

:217

Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista.

:218

Ee ku Arka Markaad Kici.

:219

Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan.

:220

Eebana waa Maqle Og.

:221

Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu.

:222

Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan.

:223

Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal.

:224

Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah.

:225

Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin.

:226

Oyna Sheegi waxayna Falayn.

:227

Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).