Dhamaan Maktabada Islaamka

15 - The Rocky Tract - Al-Ĥijr

:1

Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.

:2

Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).

:3

ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane,

:4

Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno.

:5

Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto.

:6

Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay.

:7

Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi.

:8

Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas).

:9

Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.

:10

waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore.

:11

Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.

:12

saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.

:13

mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.

:14

haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora

:15

waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.

:16

waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi).

:17

waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.

:18

mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.

:19

dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman.

:20

waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.

:21

waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.

:22

waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).

:23

annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha).

:24

waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray.

:25

Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah.

:26

annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.

:27

Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl).

:28

Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon.

:29

Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud.

:30

wayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan.

:31

Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee.

:32

Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda.

:33

Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon.

:34

Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye.

:35

Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).

:36

Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka.

:37

Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay.

:38

Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh.

:39

Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan.

:40

Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay).

:41

Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin).

:42

Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee.

:43

Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan.

:44

Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah).

:45

kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri).

:46

waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo.

:47

waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan.

:48

kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo.

:49

U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay,

:50

iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun.

:51

Ugana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim.

:52

Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan.

:53

ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane.

:54

Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan.

:55

Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta.

:56

Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee.

:57

Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw.

:58

Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood.

:59

Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood.

:60

Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga).

:61

Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray.

:62

Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin.

:63

Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii).

:64

Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa.

:65

Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray.

:66

Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii.

:67

Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida).

:68

Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina.

:69

kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina.

:70

Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna).

:71

wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan).

:72

Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin.

:73

Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa.

:74

Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah.

:75

Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira).

:76

Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad).

:77

Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay.

:78

Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb).

:79

Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno).

:80

Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax).

:81

Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada.

:82

Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina.

:83

Waxaana qabatay Qaylo Aroortii.

:84

Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen.

:85

Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan.

:86

Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe.

:87

waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn.

:88

ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilci) garabkaaga (macaamiladooda) Mu'miniinta.

:89

waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad.

:90

sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa).

:91

ee kayeelay Quraanka Qaybo.

:92

Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood.

:93

waxay falayeen.

:94

ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta.

:95

anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa.

:96

ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).

:97

waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun).

:98

ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda.

:99

Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu).